Kooxda Man United oo Go’aan kasoo Saartay Mustaqbalka Antony.

0
147

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in xiddiga Antony uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda kadib Muddo uu ka maqnaa.

“Tan iyo markii ugu horeysay ee eedeymaha la soo jeediyay bishii June, Antony wuxuu ka jawaabay su’aalaha ay waydiiyeen Booliska UK iyo Brazil”

“Maadama aan nahay cida shaqaalaysiisay Anthony waxa aan go’aansanay inuu dib u bilaabo tababarka Carrington, oo uu diyaar u noqdo ciyaarista kulamada inta ay socdaan baaritaanada”.

“Koox ahaan waxa aan ka soo hor jeednaa wax walba oo jidh-dil ah mana doonayno in ay sidaas ku dhacdo cid kasta”.

Waxa xusid mudan in Antony uu ka maqnaa garoomada in muddo ah waxana uu seegay kulamadii ay ciyaartay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here