Arsenal oo wada hadal la furtay ciyaaryahan Ollie Watkins

0
162

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Arsenal Edu ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo la yeeshay wakiilka weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins ka hor inta uusan u dhaqaaqin Emirates suuqa January.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa waxaana uu dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii hore, Ollie Watkins ayaa ku biiray Aston Villa isaga oo kaga soo biiray kooxda Brentford sanadkii 2020 waxaana uu ilaa wakhtigaas dhaliyay 47 gool 127 kulan.

Weeraryahanka ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee yurub ciyaaray khamiistii hore iyada oo kooxdiisu ciyaartay tartanka Europa Conference League.

Sida laga soo xigtay Football Transfers, Agaasimaha ciyaaraha kooxda Arsenal ee Edu ayaa wadahadalo Rasmi ah la furay wakiilada xiddiga si uu ugu qanciyo in uu xiddigu u dhaqaaqo Emirates suuqa janaury.

Arsenal ayaa la filayaa in ay weeraryahan cusub u dhaqaaqdo suuqa January xilli ay bilowga xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonayso dhinaca weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here