Tababare Carlo Ancelotti oo magacaabay kooxda ugu cad-cad Champions League

0
148

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyay kooxaha u sharaxan ku guulaysiga koobka champions League xilli ciyaareedkan.

Ancelotti ayaa Man City u sharaxay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha in ay tahay kooxda difaacanaysa koobka waxana uu sheegay in ayna kooxdiisu ayna ka mid ahayn kooxaha u sharaxan.

Shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Union Berlin, Carlo Ancelotti waxa uu si dhab ah uga hadlay musharaxnimada Real Madrid ee champions League iyo sidoo kale ujeedka kooxdiisa ee tartanka.

Carlo Ancelotti ayaa la waydiiyay musharaxa ugu cadcad in uu ku guulaysan doono champions League waxana uu ku jawaabay “Manchester City waa musharaxa ugu cad cad sababta oo ah waxa ay haysataa koox ay kula guulaysteen koobka xilli ciyaareedkii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here