Hordhac: Ac Milan Vs Newcastle: Labada Kooxood Oo Kulmaya Markii Ugu Horaysay Tariikhdooda

0
187

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Ac Milan iyo Newcastle ayaa ku kulmi doona kulan adag oo champions Leageu ah kana tirsan kulamadii 1-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Ac Milan ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka soo laabtaan ceebtii ka soo gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Inter kulan ka tirsanaa horyaalka.

Dhinaca kale Newcastle ayaa muddo dheer kadib markii ugu horaysay ciyaari doonta tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee abid dhexmara labada kooxood ee Ac Milan iyo Newcastle United.

Ac Milan ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaarto kooxaha Premier League.

Newcastle ayaa badisay kulankoodii ugu dambeeyay ee martida tartamada yurub iyaga oo garaacay kooxda reer Talyaani ee Palermo kulan dhacay 2006/2007 kulan ka tirsanaa UEFA Cup.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 20-aad ee ay Ac Milan ciyaarto tartanka Champions League waana kooxda 2-aad ee ugu qayb galka badan kadib Juventus oo tartanka ciyaartay 23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here