Mo Salah oo noqday xiddiga ugu caawinta badan Premier League ee ka soo jeeda qaarada Africa

0
102

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda kubadda cagta ee Liverpool Mohamed Salah ayaa jabiyay rikoor cajiib ah oo horyaalka Premier League ah kadib markii uu guul ku hogaamiyay kooxdiisa LIVERPOOL .

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay Kooxda Wolves oo gool la hormartay kulan ka tirsanaa kulumada horyaalka Premier League.

Salah ayaa caawiye ka ahaa 2 ka mid ah 3-dii gool ee ay ku badisay kooxdiisa Liverpool isaga soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Salah ayaa noqday xiddiga ugu caawinta badan Premier League ee ka soo jeeda qaarada Africa isaga oo wacdaro ka dhigay horyaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here