Malo Gusto & Moises Caicedo oo ku biiray Liiska Xiddigaha ka dhaawacmay Chelsea.

0
37

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in war xun ka heshay xaalada xiddigaha kooxdeeda ka hor dib u soo laabashada kulamada fasaxa xulalka.

Xiddigaha Malo Gusto & Moises Caicedo ayuu soo gaaray dhaawaca intii uu socday kulamada caalamiga ah ee xulalkooda, Labada Xidig ayaa matalay xulalkooda France iyo Ecuador intii lagu jiray waajibaadka xulalka.

Xaaladan labada xidig ayaa ah mid ku adag tababaraha Chelsea kaas oo ay kooxdiisu haatanba la dhibaatoonayso dhaawacyo kala duwan.

Labada xiddig ayuu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshahooda kulanka ay Blues la ciyaarayso kooxda Bournemouth kadib fasaxa xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here