Manchester United oo waayi doonta Goolhaye Andre Onana

0
144

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa waayi doonta Andre Onana kulan dhowr ah bartamaha xilli ciyaareedkan ka dib markii Cameroon ay u soo baxday Koobka Qaramada Afrika 2024.

United ayaa xagaagan Onana kala soo wareegtay kooxda Inter Milan heshiis ku kacaya £47.2m isaga oo David de Gea u badalay goolhayaha 1-aad ee kooxda.

27-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Cameroon inay 3-0 kaga badiyaan Burundi habeenkii Talaadada, taasoo soo xirtay u soo bixitaankooda AFCON.

Onana waxa uu ku soo bilowday dhamaan afartii kulan ee Premier League ee United ilaa hadda xilli ciyaareedkan, isagoo mid ka mid ah shabaqiisa ilaashaday waxaana laga dhaliyay todobo gool.

Laakiin United waxa ay haatan ku qasbanaan doontaa in ay ku tiirsanaato Goolhayaha reer Turkey Altay Bayindir ama goolhayaha saddexaad ee Tom Heaton.

Man United ayaa la ciyaari doonto Tottenham, Wolves, West Ham iyo Aston Villa Premier League mudadaas – taasoo la micno ah in Onana uu seegi karo dhammaan kulamadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here