Arteta: Aniga Ayaa Leh Khalad Aan Ka Galay Fabio Vieira

0
51

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mikel Arteta ayaa ku farxay qaab ciyaareedka xiddiga Fabio Vieira kulankii Fulham, waxaana uu Sheegay in ay khaladkiisa tahay in uuna xiddiga reer Portugal kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Kadib markii uu kooxda Arsenal ugu soo biiray 35 milyan xagaagii hore xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda 1-aad.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa ku fashilmay in uu ciyaaro labadii kulan ee ay kooxdu ciyaartay premier League halka uu kaydka ku bilowday kulankii Fulham.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa shaqeeyay rikoodhadii ay dhalisay Arsenal kuna bar-barayso ciyaarta.

“Fabio waxa uu ahaa mid aad u fiican, waana daqiiqadihii ugu horeeyay ee uu ka ciyaaro PL xilli ciyaareedkan, runtii aad ayaan ula dhacay sida uu kubbada u ciyaarayay”ayuu Arteta yidhi.

“Fabio waxa uu ku lug lahaa wax walba oo aan abuurnay, runtii taas aad ayaan ugu faraxsanahay”ayuu sii raaciyay.

“Waa qaladkeyga in Fabio uusan u ciyaarin wax badan, maantana wuxuu i siiyay sababo aan u ciyaarsiiyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here