Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa ku nool dhalinyaro badan kuwaas dhameeyay iskuulada dugsiga sare iyo Jaamacadaha ku yaalo magaalda Baydhabo islamarkaan shaqo ku waayay waxyaabihii ay barteen.
Dhallinyaradan ayaa hada ka shaqeeya Dhaqista Gawaarida Noocyadooda kala duwan iyo Xirfado kale oo ay noloshooda ku dabaraan.
Sadiiq Axmed Maxamed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.