Sadio Mane Oo Sabab U Ahaa In Uu Saxiixa Cusub Ee Man City Jeremy Dako Iska Diido Liverpool

0
57

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Haddii Jurgen Klopp uu u muuqdo mid ka xanaaq yar sidii caadiga ahayd ee tababarka usbuucan… ka dib waxaa jirta sabab aad u wanaagsan.

Man City ayaan kaliya ku garaacin saxiixa Xiddiga soo baxaya ee Jeremy Doku oo uu tababaraha Liverpool aad ugu dhawaa saxiixiisa laakiin waxa u waayay saxiixa xiddiga kadib markii uu xiddigii uu doonayay in uu ku badalo uu u sheegay in uuna iman Anfield.

City ayaa Rennes kula heshiisay lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u hesh xiddiga garabka ka ciyaara kaas oo la rumaysan yahay in uu noqon doono xiddiga dhawaan qabsan doona yurub.

Klopp ayaa doonayay saxiixa xiddiga 5 sano ka hor si uu ugu xoojiyo kooxdiisa markaas oo qiimaha Doku ahaa mid aad u yar iyada oo uu Klopp si shaqsi ah ula hadlay xiddiga.

Laakiin sida laga soo xigtay Mane ayaa xiddiga Doku ku qanciyay in uuna ku biirin kooxda Liverpool wakhtigaas.

Mane ayaa lagu soo waramayaa in uu Doku u sheegay in uuna iman Liverpool hadii uu doonayo in uu sii wato horumarkiisa kubada cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here