Wafdi Ka Socda ECOWAS oo la Kulmay Madaxweyne Bazoum

0
117

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wafdi ka socda ururka ECOWAS ayaa magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger kula kulmay madaxweyne Maxamed Bazoum oo dabayaaqadii bishii hore afgembi milatari xilka lagaga tuuray.

Sidoo kale wafdiga ayaa lagu soo warramayaa in ay kulan la yeesheen hoggaamiyaha afgembiga ee Niger Abdurrahman Tyane.

Wafdiga oo shalay gaaray Niamey ayaa sheegay in ay kulan la qaateen madaxweyne Bazoum oo uga warramay wixii ku dhacay iyo waxa haatan la gudboon waxayna sheegeen in ay jiraan arrimo khaas ah oo aysan suuragal ahayn in ay haatan ka hadlaan.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Abdusalam Abubakar oo hoggaaminayay wafdiga ECOWAS ayaa sheegay in kulamadii ka dhacay Niamey ay ahaayeen kuwo muhim ah oo ay suuragal tahay in ay bar bilow u noqdaan xal u heliddaa dhibaatada ka taagan dalka Niger.

ECOWAS ayaa sheegaty in booqashada wafdigeeda ee Niamey looga gol leeyahay in dhabbe nabadeed loo maro sidii loo soo celin lahaa nidaamkii dimoqraadiyadeed ee dalka Niger.

ECOWAS ayaa intaa ku dartay in ay ka go’antahay in dadaal diblomaasiyadeed lagu xalliyo xasaradda Niger walow saraakiishooda ciidan ay go’aamiyeen in faragelin miltari lagu sameeyo dalkaas.

Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa 26-kii bishii Julay ku xanniban aqalka madaxtooyada dalkaas kolkaa oo awood milatari xilka lagaga marooqsaday, ururka ECOWAS iyo dalalka reer galbeedka ayaa ku adkeysanaya in Bazoum ay u aqoonsanyihiin in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaas ayna tahay in mar kale uu si madax bannaan u sii hoggaamiyo dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here