Kooxda Liverpool oo soo bandhigtay saxiixa Wataru Endo 

0
57

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa shaacisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Germany ee VfB Stuttgart.

Liverpool ayaa xaqiijisay in ay Endo ka saxiixdeen heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield, Xiddiga Endo ayaa noqday saxixii 3-aad ee ay samaysay kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu xiddigu xiran doono Lambarka No.3 oo ahaa mid uu baneeyay Fabinho oo ka tagay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here