Xiddiga Ryan Gravenberch oo doortay kooxda uu ku biirayo xagaagan.

0
55

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Ryan Gravenberch ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu ku biiro Manchester United haddii uu ka tago kooxdiisa.

Xiddiga u dhashay Netherlands ayaa la filayaa in uu ka tago kooxda Bayern Munich xagaagan kadib markii uu ku fashilmay in uu boos ka helo kooxda Bayern Munich.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay xagaagan oo dhan iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadkeeda dhexe, Sidoo kale Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga iyada oo Ten Hag doonayo in uu la midoobo xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here