Kooxda Chelsea oo Dhamaystirtay la wareegida Moisés Caicedo

0
120

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay la wareegida xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa Moisés Caicedo kula wareegaysa heshiis rikoorka Premier League kadib markii ay bixisay lacag ka badan midkii ay Liverpool kula heshiisay Kooxda Brighton.

Chelsea ayaa bixisay lacag dhan 115 milyan oo euro si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee u dhashay dalka Ecuador, xiddiga Moisés Caicedo tijaabada caafimaadka u maro kooxda saacadaha soo socda.

Xiddiga Moisés Caicedo ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 8 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2031.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here