DEG-DEG: Farxaddii Liverpool Ee Caicedo Oo Murugo Isku Beddelaysa

0
50

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa niyad-jab weyn kala kulantay saxeexa Moises Caiedo oo illaa xalay saqdii dhexe ay rumaysnayd in uu gacanteeda soo galay markii ay £110 milyan oo Gini dul-dhigtay ee ay iibkiisa kala heshiiyeen Brighton & Hove Albion.

Chelsea oo muddo dheer raadinaysay laacibkan ayaa waxay shaacisay in aanay ka hadhi doonin Moises Caicedo oo ay wax walba u samayn doonaan sidii ay ugu garaaci lahaayeen Liverpool.

Blues ayaa diyaarisay dalab weyn oo ku dhow midka Liverpool oo ay u gudbinayaan Brighton, waxaanay haystaan garab weyn oo ka caawinaya saxeexa Moises Caicedo iyo sidii ay ugu garaaci lahaayeen Liverpool.

Moises Caicedo ayaa u sheegay Liverpool in aanu doonayn in uu ku biiro kooxdooda oo uu kaliya qorshihiisu yahay inuu u ciyaaro Chelsea, taas oo niyad-jabka ugu weyn ku ridaysa tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa.

Klopp oo mar dhoweyd xaqiijiyey in heshiis iibka ah ay wada gaadheen Liverpool iyo Brighton, ayaa waxa diidmada Caicedo ay ku tahay caqabad.

Xiddiigan khadka dhexe ayaa la sheegay in uu diiddan yahay in uu heshiiska shaqsiga ah u saxeexo Liverpool, waana arrin aanay kooxdiisu ku qasbi karayn.

Caicdo ayaa waxa uu diiday inuu u safro Liverpool oo sugaysay, waxaana uu doonayaa kaliya in uu tago Chelsea oo u qorshaynaysa tijaabada caafimaadka, halka Brighton ay ka sugayso Chelsea in ay la timaaddo qiimaha Liverpool oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here