Kooxda Liverpool oo Brighton kala heshiisay saxiixa Moises Caicedo

0
161

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Kooxda Liverpool ayaa heshiis la gaartay Kooxda Brighton and Hove Albion si ay oo ay ula wareegaan xiddiga Moises Caicedo kaas oo heshiis rikoor ah oo dhan 110 milyan oo euro ugu wareegayo kooxda Liverpool.

Brighton ayaa xaraash ku sameysay saqdii dhexe ee Khamiista iyadoo Liverpool ay tahay kooxda ugu badan ee soo bandhigtay lacagta uu badan kadib markii ay Chelsea ay miiska saartay 100 milyan oo euro.

Liverpool ayaan wali heshiiska shaqsiga ah la gaarin xiddiga Caicedo laakiin waxa la filayaa in la dhamaystiro heshiiska maanta oo jimce ah isaga oo xiddigu mari doona tijaabada caafimaadka.

Xiddiga Caicedo ayaa noqon doona saxiixa ugu qaalisan taariikhda Kooxda Liverpool isaga oo dhaafi doona Xiddiga Kooxda Liverpool Virgil Van Dijk oo ahaa xiddiga jgu qaalisanaa.

Liverpool ayaa baanka u jabisay Caicedo kadib markii ay xagaagan lumisay Xiddigaha Fabinho iyo Henderson kuwaas oo u dhaqaaqay horyaalka wadanka Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here