Tababar loo furay howl wadeenada Idaacada Waamo Magaalada Kismaayo.

0
426

Kismaayo(Radio Waamo)Tababarkaan oo ah mid sare loogu qaadayo xirfada wariyayaasha ka howl gala Idaacada Waamo ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa furay agaasimaha Idaacada Waamo  Sayid Shugri Aadan oo wariyayaasha ka qeyb galay tababarka kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan mudada uu tababarka socdo oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan,si waxyaabaha Labarayo.

Macalimiinta bixinaya tababarkan oo khibrad badan u leh mihnada saxaafada ayaa saxafiyiinta bari doona xirfadaha wariyaha uu ku shaqeyn karo.

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa socon doono muddo 5 beri ah,waxaana marka uu soo idlaado tababarkaan wariyayaasha ka qeyb galay la siin doonaa shahaadooyin.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here