Dhulgariir ka dhacay Tanzania

0
101

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxa xalay  Dhul-gariir uu ka dhacay Deegaan 33 KM dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Ikungi ee Gobalka Singida ee dalka Tanzania, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhul-gariirka Halbeegiisu waxa uu ahaa 5.5 Richter Scale, lamana soo sheegin dad wax ku noqday, inkastoo uu jiro burbur soo gaaray qaar ka mid ah Dhismooyinka.

Dadka ku nool Deegaanka uu Dhul-gariirku ka dhacay ayaa sheegay inay burbur soo gaareen Muraayadaha Daaqadaha iyo Khaanadaha oo soo wada daatay.

Dhanka kale, Dhul-gariirka waxaa laga dareemay Deegaanada iyo Degmooyinka kala ah: Puma, Itigi, Mungaa, Mtinko iyo Dodoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here