Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha ahna Maareeyaha Hay’adda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

0
160

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Siihayayaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha ahna Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Eng Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Siihayayaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda mudane Maxamed Deeqoow Xuseen ayaa ugu horeeyn sheegay in ay farxad u tahay inuu Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyo Wafdiga Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ahna Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Eng Cabdulqaadir Aadan Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sharaxay waxa ay Kismaayo u yimaadeen.

Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here