Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Abdinuur Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.