Kooxda Chelsea oo La wareegtay Xiddig Muhiim ah 

0
118

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Kooxda Chelsea ayaa La wareegtay daafaca Axel Disasi kaas oo ay kula soo wareegtay qiimo lacageed gaarayo 38 milyan oo euro iyaga oo kala soo wareegay kooxda reer France ee As Monaco.

Xiddiga reer France ayaa noqday saxiixii 5-aad ee kooxda Chelsea ee suuqa xagaaga xilli ay kooxdu si weyn ugu mashquulsan tahay suuqa.

Kooxda Chelsea ayaa la soo saxiixatay daafaca Axel Disasi kadib dhaawacii Xiddiga Wesley Fofana kaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Kooxda Chelsea ayaa si deg-deg ah u dhaqaaqday in ay  buuxiso booska Fofana kadib markii la xaqiijiyay dhaawac soo gaaday xiddiga, Xiddiga Axel Disasi oo 25 jir ah ayaa kooxda Monaco u ciyaaray 118 kulan ka hor intii uuna ku biirin kooxda chelsea suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here