Wasaaradda Ganacsiga KG oo maalgelin u sameeyneysa Ganacsatada Yar yar

0
110
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshidaha KG Prof. Ibrahim Ali Adan Oo ka hadlaayey Ganacsiga ka jira Deeganada KG ayaa Sheegey in Wasaaradu wado Qorshayaal Lagu Horumarinayo Ganacsiyada yar yar, Sida Beeralayda, Xoola dhaqatada, Haweenka iyo Guud ahaan Sidii Loo Hormarin lahaa lahaa Wax soo saarka dhinaca Gancsiga, si kor loogu qaado dhaqaalaha Dowlad Goboleedka KG.
Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Ibrahim Ali ayaa Bulshada ugu baaqey in wixii Fikrado Hal Abuur ah oo ay hayaan Wasaarada la soo wadaagaan si ay ugu maal geliyaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here