Arsenal oo Garaacday Kooxda Barcelona

0
191

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa xasuuq daran kula kacday kooxda Barcelona kulan ay labada kooxood isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub ee horyaaladooda.

Kooxda Arsenal ayaa guul 5-3 uga adkaatay Kooxda Barcelona, Arsenal waxaa goolasha u dhaliyey xiddigaha kala ah, Saka, Havertz, iyo Trassard oo 2 gool dhaliyey halka goolka shanaad uu soo xiray xidiga khadka dhexe ee Vieira.

Kooxda Barcelona ayaa dhaliyey 3 gool waxaana u dhaliyey xiddigaha kala ah, Lewandowski, Raphinha, Farren Torres.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 5-3 oo Kooxda Barcelona ay guuldaro kala kulantay kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here