(Idaacadda Waamo)-Waxaa sii kordhaya tirada Xujaayda Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanayo,waxaana yaraaday mashquulkiii ka jiray Hoteelada ay deganaayeen Xujeyda Soomaaliyeed,In ka badan 10 kun oo Xujeey Soomaaliyeed ah ayaa imika dalka dib ugu soo laabatay,sida uu warbaahinta u sheegay Yoonis Cismaan Axmed madax howlgelinta gudiga arimaha Xajka ee Bicisada.
Dhanka kale gudashada Waajibaadka xajka ka sokoow maxaa laga doonayaa Qofka soo xajiyay,waakan Sheikh Saalax Nuur Maxamed oo ka mid ah gudiga bicisada,islamrkaana sharxaayo waxa laga doonayo dadkii soo xajiyay.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.