Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Cabdalle Biroole oo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka xiga dhanka koonfur galbeed una jira 45KM ayaa ah deegaan soo koraya kaas oo dhawrkii sano ee u danbaysay laga sameeyaay hormaro kala duwan oo ku saabsan dhinacyada wax barashada ,Caafimaad ,ganacsiga iyo Amniga.
Gudoomiyaha Deegaanka Cabdalle Biroole Muqtaar Maxamed ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee deegaanka waxaa uuna sheegay in wax badan laga qabtay adeegyada aas aasiga ah ee ay bulshada sida wax barashada ,Caafimaadka iyo layrarka ku waas oo sano ka hor aan deegaanka ka jirin.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.