Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Barqanimadii hore ee maanta ayaa waxaa dab xooggan uu ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taallo Isgoyska Olombic ee magaalada Kismaayo,waxaana markii dambe ku guuleystay damintiisa maamulka Degmada Kismaayo.
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Muddane Cumar Cabdullaahi Maxamed.(Faraweyne) Ayaa ka warbiciyay gurmadkii deg deg ahaa iyo sida loo xakameeyay in dabkani oo uusan ku sii fidin xarumaha ganacsiga ka ag dhowaa aaga uu dabka ka kacay.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.