Kooxda Juventus oo laga Ganaaxay tartamada yurub xilli ciyaareedka soo socdo

0
55

Kismaayo(Idaacadda Waamo) – Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ayna xilli ciyaareedka dambe ka qayb galin tartanka UEFA Conference League Xilli ciyaareedka dambe sababo la xidhiidha dhibaato dhaqaale iyo mid sharci.

Kooxda Serie A-da ayaa ku dhameysatay kaalinta toddobaad ee kala sareynta ka dib markii laga jaray 10 dhibcood taasoo weli ka dhigan inay u soo baxayaan tartanka yurub ee 3-aad.

Ciqaabta waxaa dusha ka saartay Juventus maxkamada ciyaaraha Talyaaniga kadib markii ay jabiyeen xeer taas oo la macno ah in ay kooxdu jabisay xeerka dhaqaale wanaaga UEFA.

Wargeyska Marca ayaa ku warameysa in Juventus ay heshiis la gaartay maamulka kubbadda cagta Yurub, kaasoo gabi ahaanba noqon doona ganaax hal sano ah.

Kooxda ku jirta kaalinta 8-aad ee Serie A-da Fiorentina ayaa haatan ku soo bixi karta booska, ka dib markii ay finalkii guuldaro kala kulantay West Ham bishii June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here