Kismaayo(Waamo Radio)Roobab lixaad leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Gobolka Gedo aya saamayn ku yeeshay dadka danyartaa ee ku nool qaybo kamid ah Gobolka Gedo
sida baardhere ,doolow iyo baladxaawo sidoo kale wabiga jubba aya asna fatahaad sameeyay Meelaha Qaar ka mid ah Gobolka .
Haddaba Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xassan Isaaq aya faahfahin kabixiyay qasaaraha ka dhashay roorabab ka halkaasi ka da’ay iyo fahtahaada uu sameeyay wabiga Jubba waxa uuna sheegay in robab ka da’ay iyo fatahaada wabiga ay dhibaato ka soo gaartay dadka shacabka ah
Dhanka kale Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa Xaqiijiyay in fatahaada uu Wabigu Sameeyay ay ka dhasheen Burbur hantiyed iyo mid nafeed intuba .
Inta badan xiliyada ay roobabku da’aan ayaa Waxaa fatahaado sameeya labada Wabi ee Jubba iyo shabeele kuwaas oo Mararka qaar Gaysta qasare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.