Kooxda Barcelona oo dhamaystirtay saxiixa Ilkay Gündogan.

0
228

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn ku guulaystay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gündogan sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Ilkay Gündogan ayaa qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Barcelona isaga oo iska diiday kooxaha Arsenal iyo Man City oo doonaysay in ay sii haysato xiddiga.

Gundogan ayaa ogolaaday heshiis ilaa xagaaga 2025 waxana uu haystaa hal sano oo dookh ah oo uu u saxiixi doono kooxda Barcelona.

Fabrizio Romano ayaa intaas raaciyay in uu xiddigu doonayo in uu u ciyaaro kooxda Barcelona marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here