Ra’iisal wasaare Xamse oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Garoowe

0
56

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waa dagaal nasiib darro ah, waa dagaal micno darro ah oo ay ku dhinanayaan dad Ehel ah labada dhinacba, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa si deg deg ah in loo joojiyo” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in waxyaabaha lagu kala duwanyahay ee ku aadan nidaamka dowladeed ee Puntland in lagu xaliyo jidka wada hadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here