DEG-DEG: Son Heung-min Oo Go’aan Ka Gaadhay Tottenham

0
82

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Koonfur Korea ee Son Heung-min ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Tottenham markii uu soo gaadhay dalab uga yimid kooxaha horyaalka Sucuudiga oo uu ku xoogsan lahaa mushahar ka badan £51 milyan oo Gini sannadkii.

Tottenham ayaa ogaatay in laacibkeedan looga gacan haadinayo oo ay kooxaha Sucuudigu doonayaan, waxaana la rumaysan yahay in Al-Ittihad oo dhowaan la saxeexatay Karim Benzema iyo N’Golo Kante oo aanay wali heshiiskisa si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Son ayaa shaki la gelinayey ku sugnaanshihiisa horyaalka Premier League, waxaana maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax-marayay inuu lacag u doonanayo Sucuudiga, hase yeeshee laacibkan ayaa ka baxay aamusnaanta oo xaqiijiyey in uu sii joogayo Spurs.

Son oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Shaqooyin badan oo aan qabanayo ayaa iga yaalla horyaalka Premier League. Aniga lacagtu qiime badan ilama laha, in aan sharaf ku ciyaaro kubadda cagta iyo in aan ka dheelo horyaalka aan jecelahay ayaa muhiim ii ah. Waxa aan doonayaa in aan in badan usii ciyaaro Tottenham.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here