DEG-DEG: Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Kai Havertz

0
106

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaaya in ay dalab cusub oo 60 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda chelsea weerarka uga ciyaara ee Kai Havertz.

Dalabka cusub ayaa la aaminsanyahay in uu yahay 55 milyan oo euro oo halka hore laga bixinayo iyo waliba 5 milyan oo gunooyin ah.

Kadib markii ay chelsea diiday dalab 40 milyan ah oo ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga, Arsenal iyo Chelsea ayaa sii wada wadahadalada si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga reer Germany.

Wadahadalada ayaa horumar sameeyay bilowgii todobaadkan iyada oo wargayska Mail Sport aaminsanyahay in ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay heshiis gaadhaan.

Arsenal ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga iyada oo heshiiska shaqsiga ah mar horeba la gaadhay.

Havertz ayaa loo soo bandhigi doonaa heshiis wakhti fog ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 210 kun oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here