Ra’iisul wasaaraha XFS oo furay Tababbarka Macallimiinta Qaran

0
141
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka daah-furay Xaflada Tababbarka saddex kun ee Macalimiinta Qaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Macallimiintan tababbarka loo furay ayaa hore waxa tartan madaxbanaan ugu qaatay wasaaradda waxbarashadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashadda,wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda,taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here