Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray laanta afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

0
93

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Dhuusamarreeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa laga hir galiyey dhismaha cusub ee laanta afaraad ee  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ku shaqeyn doonto, laanta ayaa u adeegi doonto dadka kunool deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb, taasoo noqon doonta mid laga maamulo xarummo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Dowladda Galmudug.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here