Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta laanta labaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo la hirgaliyay magaalada Kismaayo.

0
139
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta laanta labaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo la hirgaliyay magaalada Kismaayo.
Munaasabadda xarig jarka xarunta laanta labaad ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya waxaa Madaweynaha kala qeybgalay Agaasimha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdull) Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Duulista iyo Hawada, Caafimaadka, Arrimaha gudaha, Maamulka gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo, Shaqaalaha xarunta laanta labaad ee Hay’adda, saraakiil ka socotay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here