Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dadka barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa ah kuwo aan inta badan haysan waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah sida caafimaadka , wax barashada iyo waxyaabaha la midka ah .
Haweenka uurka leh ee ku nool kaamamka barakacayaasha degmada Dhoobley inta badan ma helaan daryeelka caafimaad ee ay u baahantahay hooyada uurka leh.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.