Shirka madasha maayarada dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho

0
118

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu soo gaba gabeeyay shirka madasha maayarada dalka kaasoo muddo saddex maalmood ah u socday maayarada degmooyinka Beledweyne, Dhuusamareeb, Cadaado, Cabdudwaaq, Baydhabo, Xudur, Marka, Waajid, Baraawe, Kismaayo, Garbahaarey, Afmadoow, Jowhar, , Warsheikh, maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka Shangani, Yaaqshid , Hodan iyo Dharkeynley.

Shirkan ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay dhinacyada horumarka, caqabadaha iyo arrimaha kale ee ku gadam howlaha la xiriira dowladaha hoose, waxana shirkan goob joog ka ahaa muddada uu socday qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada.

Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here