Degmada Xudur oo laga bilaabay mashruuc gargaar lagu gaarsiinaayo Bulshada nugul

0
66
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mashruucan gargaarka ah oo socon doono muddo Todobaad ah, ayaa lagu talagalay in la  gaarsiinaayo in ka badan seddex-kun oo qoys qaarkood uu saameeyey daadadkii ku soo rogmadey Xaafadda Buulow ee Degmada Xudur.
Ku-simaha Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Cali Xuseen Xasan iyo Isku-duwaha Samafalka ee Gobolka Bakool mudane Maxamed Macalin Axmed oo daahfurey mashruuc gargaarka ah ayaa si wada jir ah ugu mahadceliyay Hay’adda WFP oo gacan ka gaysanaysa Mashruucan lagu caawinayo dadka tabaalaysan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here