Carlo Ancelotti oo Jawaab muhiim ah bixiyay dhaawaca Camavinga

0
122

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka jawaabay dhaawacii xalay gaadhay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Eduardo Camavinga kulankii ay guusha 1-0 ah ka gaadheen Getafe.

Real Madrid ayaa Arbacada la ballansan Manchester City oo ay England ku booqanayso kaddib barbardhac 1-1 ah oo labada dhinac galeen lugtii hore ee afar dhammaadka Champions League.

Camavinga ayaa kamid ah xiddigaha Madrid ugu muhiimsan wakhtigan isagoo xataa booska daafaca bidix oo aan midkiisii asalka ahaa ahayn si fiican uga soo dhalaalay marar badan.

Camavinga ayaa xalay bedel lagu sameeyay xilliyadii dambe ee kulankii Getafe kaddib xanuun kasoo gaadhay canqawga.

Ancelotti oo kulanka kaddib ka hadlay dhaawacaas Camavinga ayaa culayska ka qaaday jamaahiirta Los Blancos ee u werwersanaa isagoo sheegay inuu soo kaban doono kulanka City.

“Kaliya waa jug yar oo isaga waxyar dhibaysa, waa 20 sano jir wuuna soo kaban doonaa” ayuu yidhi Carlo oo ka hadlaya dhaawaca Eduardo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here