Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasow iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada Baladweyne ayaa kormeeray xaafaddaha Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo weyn oo ka mid ah meelaha sida weyn uu ugu fatahay webiga shabeelle.
Boqolaal qoys oo ku noola xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa guryahooda uga barakacay fatahaada webiga shabeelle kuwaasoo guryo ku meel gaar ah ka sameystay deegaanka Ceel jaale, halka kuwa qaarna ay degeen xaafaddaha qaar oo aysan wali gaarin fatahaada.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.