Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha Wasiirada ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNDP oo ay Hogaaminaysay ku xigeenka Madaxda Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Sophie Kemkhadze.
Kulan qaatay Saacado ayaa Madaxweynaha iyo Wafdiga ayaa waxay ka wada hadleen wax ka qabashada arimaha binadanimada , Xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNDP iyo Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.