Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.
Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda UNICEF ay ka fuliso deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Faarax Mukhtaar Daa’uud iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.