Maamulka degmada Kismaayo oo bogaadiyay bulshada xaafadaha.

0
392
Kismaayo(Waamo Radio)Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay magaalada Kismaayo ay ka socdeen Olole dib loogu soo celinayo bilicda magaalada,islamarkaasina lagu hagajaainayay wadooyinka ayaa bulshada xaafada shaqaalaha waxay si iskaa wax u qabso ah u hagaajinayaan wadada hal bowlaha u ah xaafadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka xaafada shaqaalaha Maxamed Baalley Nuux ayaa dowlad goboleedka Jubaland codsi u diray,waxaana uu sheegay in qof ka mid ah deegaanka uu ka caawinayo dayactirka wadadaan.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada degmada Kismaayo Cabdirashiid Cabdi Ibraahim ayaa bogaadiyay shacabka isku xilqaamay wadadaan muhiimka u ah xaafada iyo guud ahaanba degmada Kismaayo.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here