Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Dowlada Goboleedka Koonfur-Galbeed ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur-Galbeed Abdinasir Abdi Arush oo ay Wehelinayaan wasiirada xubnaha ka guddiga gurmadka abaaraha iyo arrimaha bulshada ayaa Xarunta madaxtooyada koonfur-Galbeed kulan kula qaatay Wafdi ka socday Hey’adda Cuntada adduunka ee WFP oo ay hogaaminaysay ku xigeenka madaxa xafiiska soomaliya ahna ku simaha xafiisk.
marka kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbahinta la hadlay wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo mareeynta masiibooyinka Konfur-Galbeed, wuxuuna ka warbixiyay waxyabaha looga hadlay kulanka.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.