Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Qorshaha Iyo Qaabka Ay Caawa Erling Haaland Kula Tacaalayaan

0
128

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa u sheegay ciyaaryahanada kooxdiisu qaabka ay caawa ku celin karaan mashiinka goolasha Manchester City ee Erling Haaland.

Sky Blues iyo Bavaria oo kamida kooxaha ugu cad cad ku guuleysiga Champions League ayaa ku ballansan Etihad Stadium lugta hore ee wareega siddeeda.

Haaland ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanaya kooxda Premier League difaacanaysa wuxuuna u yahay mid heer sarre ah isagoo 44 gool ilaa haatan uga soo dhaliyay tartamada oo dhan.

Haaland ayaa goolashiisa xad-dhaafka ah sii watay Sabtidii isagoo laba gool kasoo dhaliyay Southampton taas oo ka dhignayd inuu 27 kulan oo horyaalka ah 30 gool kusoo dhaliyay.

Tuchel oo kahor kulanka caawa ka hadlayay qaabka Erling lagula tacaali karo ayaa sheegay inay tahay kaliya wadajir oo looga hortago.

Tuchel oo la weydiiyay haddii Man City bedeshay hab ciyaareedkeedii tan iyo saxeexa Haaland ayaa yidhi “Maya wax badan, qaabkoodi wali waa sidii hore”

“Dabcan qaabka Erling Haaland waa mid aad u khaas ah iyaguna way la qabsadeen inay ku haboonaysiiyaan, wuxuu siiyaa wax aysan haysan sanadahan dambe”.

“Waa inaanu ka koox ahaan uga hortagno, berri waxaanu haysan doonaa doorka kooxda aan ugu cad cadayn kulanka taasina waa mid caadi ah, waa inaanu qabnaa kalsooni joognaana heerka ugu sarreeya ee ciyaartayada”.

Haaland ayaa ah gool-dhaliyaha xilli ciyaareedkan ugu sarreeya Champions League isagoo 10 gool ku horkacaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here