Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Goobaha dharka lagu tolo ee ku yaala magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka jira Mashquul aad u badan waxaa ayna dadku u diyaar garoobayaan Munaasabada Ciida .
Qaar ka mid dhalinyarada ku shaqaysta xirfada dhar tolista ayaa ka warbixiyay qaabka ay u shaqeeyaan xiliyada ay soo dhawdahay ciida waxaa ayna sheegeen in waqi badan ay shaqeeyaan taas oo ay keentay dalabka dadka dharka Tolanaya oo badan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.