Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda difaacanaysa Premier League ee Manchester City ayaa booqanaysa dhigeeda Southampton oo dadaal ugu jirta sidii ay kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco uga soo bixi lahayd.
Sky Blues ayaa kulankan doonaya inay dhibcihiisa helaan kaddibna daawadaan ciyaarta habeen dambe kooxda hoggaanka ka haysa ee Arsenal booqanayso Liverpool.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Saints waxa ka maqnaan doona Che Adams iyo Mohammed Salisu halka uu shaki ku jiro Armel Bella-Kotchap balse waxa tababarka buuxa ugu soo laabtay Tino Livramento.
Manchester City waxa usoo laabtay weeraryahankeeda Erling Braut Haaland oo dhaawac kaga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay balse waxa macquul ah inuusan soo dedejin Pep oo marka hore keydka kusoo bilaabo.
Stones ayaa markale daafaca kaga soo hormari kara Kyle Walker iyadoo uu la dhammaystirayo Akanji, Dias iyo Ake.
Gundogan ayaa la filayaa inuu khadka dhexe kala ciyaaro Rodrigo halka Mahrez, De Bruyne iyo Grealish weerarka ku caawin karaan Alvarez haddii Haaland keydka kusoo bilawdo.
Shaxaha Macquulka Ah
Southampton (4-4-2): Bazunu; Walker-Peters, Bednarek, Caleta-Car, Perraud; Armstrong, Ward-Prowse, Lavia, Elyounoussi; Mara, Walcott
Man City (4-2-3-1): Ederson; Stones, Akanji, Dias, Ake; Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Grealish; Alvarez
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: St Mary’s Stadium
Wakhtiga: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Robert Jones