Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Webiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha magaalada Baladweyne ayaa buux dhaafay kadib markii daadad badan ay ka soo rogmadeen dhulka dowlad deegaanka Somalida oo uu ka yimado webiga.
Heerka lagu cabiro biyaha webiga ayaa hadda maraya numberka 9-aad oo kan ugu dambeeya iyadoona laga cabsi qabo fatahaad uu geysto webiga shabeelle.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.