HORDHAC: Man City v Liverpool – Reds Oo Arsenal Caawin Kara, Dhaawacyada & Shaxaha Kulankan

0
129

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Premier League difaacanaysa ee Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabilaysa dhigeeda Liverpool oo ay sanadihii ugu dambeeyay horyaalka kusoo loolamayeen se haatan ay kala durugsan yihiin.

City oo kulan baaqi u yahay ayaa siddeed dhibcood ka dambaysa kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal halka Reds doonayaan guul ay kusoo nooleeyaan hammigooda afarta kaalmood ee sarre.

Wararka Labada Kooxood

Manchester City waxa mudo ka maqnaan doona Phil Foden oo qaliin maray halka Erling Haaland oo dhaawac gaadhay qiimayn lagu samayn doono haddii uu taam yahay kulanka kahor.

Walker, Dias, Stones iyo Ake ayaa la filayaa inuu Pep Guardiola daafaca kooxdiisa kusoo wada bilaabo iyadoo Gundogan iyo Rodri khadka dhexe kasoo wada muuqanayaan.

De Bruyne ayaa No.10 dheelaya halka Bernardo Silva kulankan garab weerar kusoo bilaaban karo isagoo Mahrez kasoo hormaraya, Grealish ayaa garabka kale soo fuulaya iyadoo Haaland haddii uu taam noqdo No.9 dheelayo.

Dhinaca kooxda Jurgen Klopp waxa dhaawacyo ka qaba Thiago Alcantara, Calvin Ramsay, Stefan Bajcetic iyo Joe Gomez balse waxa tababarka buuxa ugu soo laabtay Luis Diaz iyo Darwin Nunez.

Elliot ayaa lagu wadaa inuu khadka dhexe kala ciyaaro Henderson iyo Fabinho halka Nunez iyo Cody Gakpo weerarka la dhammaystirayaan Mohamed Salah.

Man City (4-2-3-1): Ederson; Walker, Stones, Dias, Ake; Rodri, Gundogan; Silva, De Bruyne, Grealish; Haaland

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Henderson; Salah, Gakpo, Nunez

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Simon Hooper

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here