Kooxda Inter Milan oo si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa Lionel Messi 

0
129

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Heshiiska Messi ee Paris Saint-Germain ayaa dhacaya bisha June ee soo socota, waxaana mar kale la is weydiinayaa halka uu ku wajahan yahay haddii ay dhacdo inuu ka tago kooxda PSG.

Lionel Messi ayaa lala xiriirinayay kooxda Inter Milan xagaagii 2021 ka hor inta uuna ku biirin kooxda PSG iyada oo madaxweyne ku xigaanka Inter uu xaqiijiyay in ay kooxdu isku dayday saxiixa xiddiga.

Kooxda Inter Milan ayaa xagaaga isku dayi doonta in ay la soo saxiixato xiddiga Lionel Messi hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa PSG.

Wararka ayaa sheegaya in xiriirka fiican ee uu Lionel Messi la leeyahay Javier Zanetti uu Inter ka caawin karo in ay hesho saxiixa xiddiga Lionel Messi.

Inter Milan ayaa looga baahan doonaa inay xaliso dhibaatooyinkeeda dhaqaale hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here